Taliyaha booliska magaalada Moyale ee dalka Kenya ayaa sheegay in saddex gantaal oo laga soo tuuray dhinaca Itoobiya ee xuduudda ay ku dhaceen magaalada Mooyaale ee dhinaca Kenya. Gantaalladan oo ahaa nooca RPG ayaan qarxin, sida uu sheegay taliyuhu.
Maalintii shalay ayay Deeganka Oromiya hub culus kusoo riddeen shacabka Soomalida. Waxayna keentay in ay dhanka Kenya u gudbaan.
Kooxaha amniga ee Moyale, Degmada Marsabit, ayaa la geliyay heegan ka dib markii saddex gantaal oo garabka laga rido (RPGs) ay ku dhaceen aaggaas oo ka yimid Itoobiya.
Walxaha qarxa ayaa la helay Axaddii, Noofambar 1, meel u dhow Dugsiga Hoose ee Sessi iyo xafiisyada Waaxda Cimilada.
Saraakiisha booliiska iyo khubarada ka tirsan Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee ka takhalusa bambaanooyinka oo fadhigoodu yahay Odha ayaa la sheegay inay goobahaas gaareen, waxayna xaqiijiyeen in walxuhu ay yihiin saddex RPG.Kooxdu waxay xaqiijiyeen oo ay ka saareen walxaha qarxa ka hor intaysan si badbaado leh u qarxin.
Wax khasare ah lama soo sheegin, booliiskuna waxay sheegeen in xaaladdu ay weli deggan tahay. Dadka deegaanka ayaa lagu boorriyay inay u soo sheegaan laamaga amniga wixii walxo shaki leh ah ee ay arkaan.
Xaaladda deegaanka ayaa walaac abuureysa, iyadoo laga cabsi qabo in colaadda sii fido oo ay saameyn dheeraad ah ku yeelato dadka rayidka ah ee Gobolka.

