Saturday, October 31, 2026

Somaliya Oo Kab-miisaaniyadeed U Siidaysay Puntland & Jubbaland Somaliland-na ka Jartay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Federaalka ayaa soo bandhigtey kab-miisaaniyadeed sannad kasta ah oo ay u sii daysay Dowlad-goboleedyada oo ay ku jiraan Puntland & Jubbaland oo aan xidhiidh ka dhexayn labadii sanno ee u danbeysey.

Somaliland ayaa sida muuqata laga jaray kabka-miisaaniyadeed labadii sanno ee u danbeysey, waxa se la sheegey in lagu taageerey abaarihii, Woqooyibari ayaa la siiyey sannadkii u danbeeyey kab-miisaaniyadeed oo dhan 591K, PL waxa la siiyey 12.8 milyan, JL waxa loo sii daayey 33milyan.

Lacagahan ayaa ah deeqaha caalamiga ah ee soo maray Dawlada Fadaraalka Somaliya.

Xogta Muhiimka ah

Sannadka 2025, wadarta lacagaha la qaybiyey ee gobollada Soomaaliya waxay gaartay $165,325,252.

Qaybinta lacagaha:

Maamulka Gobolka Banaadir: $41,281,825
Jubbaland: $33,889,301
Koonfur Galbeed: $27,583,315
Galmudug: $24,875,574
Hirshabeelle: $23,209,189
Puntland: $12,884,992
Waqooyi Bari: $591,000