Xiisad siyaasadeed iyo mid amni ayaa ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaddib markii guddoomiyihii hore ee gobolka, Maxamed Xuseen Maxamed (Carab), uu amar ku bixiyay in xubnaha maamulka Hirshabeelle ee ku sugan magaalada ay muddo 24 saacadood ah uga baxaan Beledweyne.
Maxamed Xuseen Maxamed ayaa sheegay in xubnaha uu amarkaasi khuseeyo ay yihiin mas’uuliyiinta ka amar qaata maamulka Hirshabeelle ee dhawaan maamulka cusub uga soo dhisay magaalada Jowhar, isagoo uga digay in tallaabo laga qaadi doono haddii ay u hoggaansami waayaan amarka uu soo saaray.
“Waxaan rabaa inaan faro xubnaha ka amar qaata Hirshabeelle ee ku sugan magaalada Beledweyne inay 24 saacadood uga baxaan magaalada. Haddii ay ka dhaga adeygaan, tallaabo ayaan ka qaadi doonaa,” ayuu yiri guddoomiye Carab.
Dhanka kale, magaalada Beledweyne, gaar ahaan xerada Lamagalay, ayaa maanta lagu soo bandhigay ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kuwaas oo loo bixiyay magaca Dulmi-diid.
Ciidamadan oo ku hubeysan noocyada kala duwan ee hubka ayaa la sheegay in loo abaabulay sugidda amniga iyo difaaca xuquuqda bulshada gobolka Hiiraan. Munaasabadda lagu soo bandhigayay ciidamada waxaa ka qeyb galay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed, duqa cusub ee magaalada Beledweyne ee uu magacaabay madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Hirshabeelle Ducaale Aadan Garaase, saraakiil ka tirsan ciidamada deegaanka, odayaal dhaqameed, dhalinyaro iyo haween.
Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas, Muumin Maxamed Xalane, iyo taliyihii hore ee ciidamada booliska gobolka Hiiraan, Col. Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle, ayaa sheegay in ciidamada cusub aysan ujeeddadoodu ahayn inay dagaal la galaan ciidamada dowladda ee ku sugan Beledweyne, balse loo aas-aasay sidii loo heli lahaa xuquuqda ay tabanayaan bulshada gobolka Hiiraan.
Waxay sidoo kale tilmaameen in ciidamadan ay qeyb ka yihiin dhaqdhaqaaqyada ka socda gobolka ee lagu doonayo in lagu muujiyo diidmada go’aannada siyaasadeed ee maamulka Hirshabeelle, gaar ahaan magacaabista mas’uuliyiin aysan taageersanayn qaar ka mid ah bulshada iyo hoggaanka deegaanka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada cusub ee isku dhafka ah ee Macawiisleyda lagu wado inay howlgallo ka sameeyaan magaalada Beledweyne, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin goobaha ay ka bilaabi doonaan iyo qorshaha howlgaladooda.
Dhanka kale, xubnaha maamulka Hirshabeelle ee uu hoggaaminayo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Weheliye, ayaa weli ku sugan magaalada Beledweyne. Guddoomiyaha cusub ayaa xilka loogu magacaabay go’aanka maamulka Hirshabeelle, balse guddoomiyihii hore Maxamed Xuseen Maxamed ayaa diiday xilka qaadistiisa, taas oo sii xoojisay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira labada dhinac.
Ilaa hadda lama oga sida ay xubnaha maamulka Hirshabeelle uga jawaabi doonaan amarka 24-ka saacadood ah ee ka soo baxay guddoomiyihii hore iyo sida ay xaaladdu isu beddeli doonto marka waqtiga loo qabtay uu dhammaado.
Khilaafkan ayaa halis u ah inuu saameyn ku yeesho amniga iyo xasilloonida Beledweyne, iyadoo magaalada ay hadda ku sugan yihiin laba dhinac oo isku haya maamulka gobolka, isla markaana ay soo baxayaan ciidamo cusub oo deegaanka ah oo hubeysan.
