Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabada Israa||L safiirka ugu soo magacowday Somaliland iyadoo aan oggolaansho laga haysan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay tahay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Dawlada Fadaraalka Somaliya ayaa lagu yiri”Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa tallaabada ay ISR ku sheegtay in ay safiir u soo magacawday Hargeysa, iyo dhagax dhigga dhisme ay ku sheegtay safaarad ku taalla dhulka Soomaaliyeed”.


