Madaxweynaha Iiraan Mascuudd Pezeshkian oo ka hadlaya fashigii Qaramada Midoobay ayaa jawaab adag ka bxiyay eedeyntii uu Trump u jeediyay waxuuna yiri:
“Trump wuxuu nagu tilmaamay argagixiso, balse waxa aan nahay dhibanayaasha argagixisada.
Waxa la shirqooley hoggaamiyaasheennii sharafta lahaa, iyada oo aan loo marin wax sharciyad ah, ma aragtaan carruurtan? Waxa duqeeyey Mareykan & Israa||, haddana waxa aad sheegataan in aad ilaalisaan xuquuqda dadka.. maxaa u disheen?
Israa||, waxa gacanta ugu jira bambooyin Nukliyeer balse annaga ayaa adduunku naga waardiyeynayaa in aan yeelano Nukliyeer, waxay dileen 70K carruur reer Qasa ah, laakiin annaga oo miiska wada-hadal joogna ayaa nala duqeeyey.
Waxaan caalamka ugu yeedhaynaa iskaashi & wadashaqayn, si aan amni ugu wada noolaanno, haddii kale cidna keligeed kuma noolaanayso amni, adduunka qaybna ma gubanayso qaybna ma seexanayso hurdo fiican.”
