Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in maraakiibta dagaalka ee TCG Gökçeada iyo TCG Yıldırım ay ku sii jeedaan Muqdisho, iyagoo galbinaya markabka kalluumeysiga ee Mustafa Korkmaz A, kaas oo qorsheynaya inuu sahamin iyo tijaabo kalluumeysi ka sameeyo aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in safarku qeyb ka yahay kala wareejinta waajibaadka kooxda hawlgalka Ciidanka Badda Turkiga ee ka howlgasha Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa galay heshiis Kaluumaysi kaas oo qarashka ka soo baxa lagu qalabayn doono ciidanka Bada Soomaaliya. Laba wadan ayaa dhisay shirkad maamusha kaluunka loo yaqaano SOMTURK.
Shurkada ayaa dhoofin iyo warshadaynta kaluunka Soomaaliya qaadatay.




