Ruushka oo ku Dhawaaqay inuu Dib u dhisayo Kaabayaasha Iran kaga Burburay Dagaalka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxa Xarunta Arrimaha Caalamiga ah ee Wasaaradda Tamarta ayaa ku dhawaaqay in Ruushka uu diyaar u yahay in uu kaalmeeyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha Iran ee ku waxyeeloobay dagaalka.

Mohammad Vali Alaedini ayaa yiri: “Kadib dhaawaca soo gaaray kaabayaasha muhiimka ah ee dalka intii uu socday dagaalka, ku xigeenka wasiirka tamarta ee Ruushka Marshavin ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa uu diyaar u yahay ka qayb qaadashada dib u dhiska kaabayaashan.” Waxa uu sheegay in marka la eego awoodda farsamo iyo awoodda sare ee shirkadaha Ruushka ee tamarta, ay muhiim tahay in Moscow ay ku dhawaaqdo inay diyaar u tahay inay ka qayb qaadato dib u dhiska iyo dayactirka kaabayaasha burburay iyo bixinta qalabka lagama maarmaanka ah.

Alaedini ayaa rajo ka muujiyay in iskaashigan uu dhabaha u xaari karo xoojinta iyo ballaarinta iskaashiga farsamo iyo fulinta ee labada dal ee dhinacyada biyaha iyo korontada.