Xildhibaan Faarax Macalin Dawaara, oo ka hadlayay Kulan Baarlamaanka ah ayaa sheegay in dagaalka ka socda Mooyaale ee u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada uu isasoo tarayo, iskuguna badallayo khilaaf Qoomiyadeed oo u dhexeeya labo bulsho oo walaaalo ah oo kasoo wada jeeda qoomiyadaha laysku yidhaahdo Kushitiga.
Xildhibaan Faarax, ayaa ka digay hadii aan sida ugu dhakhsaha badan loo xakameyn colaadaas, in ay yeellan karto cawaaqib xumo iyo saameyn aad u daran, wuxuuna ku baaqay in Urur goboleedka IGAD uu soo faragaliyo xaalada isla markaana laga shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa in colaadu sii faafto oo saameynteedu ka gudubto xuduudaha Itoobiya.
Wuxuuna Xildhibaan Dawaara carrabka ku adkeeyay inaan loo qaadan karin in khilaafkani uu ku eekaan doono oo keliya gudaha Itoobiya, maadama saameyntiisa ay wada gaadhayso dhammaan dalalka deriska ah
