Wednesday, November 4, 2026

Somalia Oo la Wareegtay Guddoonka Golaha Wasiirada Warfaafinta ee Dalalka Carbeed

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee JFS, Abdifatah Qasim Mohamoud ayaa waxa uu maanta si rasmi ahaan Guddoonka Golaha Wasiiradda Warfaafinta ee dalalka Carbeed kala wareegay Dowladda Syria.

Wasiir Abdifatah ayaa markii u horeysay maanta oo Arbaco ah Shir-guddoomiyey Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wasiirada Warfaafinta dalalka Carbeed oo lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Ururka Jaamacadda Carabta ee Qaahira.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in muddada ay Somalia hayso xilka Meertada ee Wasiirada Warfaafinta Carbeed culayska la saari doono in Go’aanada loo beddelo Tallaabooyin Wax-ku-ool ah, lana kormeeri doono Hirgelinta Go’aanada la qaato iyo xoojinta Iskaashiga Wadajirka ee Warbaahinta Dowladaha Carbeed

Furitaanka Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wasiirada Warfaafinta dalalka Carbeed waxaa goobjoog la abaa Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Nabil Fahmy iyo Wasiiradda Warfaafinta ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.