owladda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixisay mashruuc horumarineed oo ku kacaya $160 milyan, kaas oo lagu casriyeynayo garoomada diyaaradaha iyo kaabeyaasha gaadiidka ee dalka. Mashruucan waxaa maalgelinaya Baanka Adduunka, waxaana la filayaa inuu sare u qaado isku socodka, badqabka duulimaadyada iyo isku xirnaanta gobollada.
Sida lagu sheegay qorshaha mashruuca, waxaa dib u habeyn iyo casriyeyn lagu sameyn doonaa garoomada diyaaradaha ee Muqdisho, Hargeysa, Garoowe, Kismaayo, Baydhaba, Jowhar, Dhuusamarreeb, Gaalkacyo iyo Dhoobley. Garoomadan ayaa lagu qalabeyn doonaa adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin koronto joogto ah, biyo, nidaamyo casri ah oo dab damis ah, iyo adeegyo kale oo lagu xoojinayo hawlgalka iyo badqabka garoomada.
Mashruucu wuxuu sidoo kale maalgelinayaa dhismaha waddo casri ah oo isku xiri doonta Hargeysa iyo Ina-guuxaa, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo isku xirka gaadiidka iyo fududeynta isu socodka dadka iyo badeecadaha.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in mashruucan uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha Soomaaliya, kor u qaadista isku xirnaanta gudaha dalka, iyo abuurista jawi ku habboon maalgashiga iyo kobaca ganacsiga.
Mashruuca ayaa la filayaa inuu sidoo kale xoojiyo adeegyada gaadiidka cirka iyo dhulka, isagoo sare u qaadaya tayada kaabeyaasha muhiimka ah ee dalka iyo awoodda Soomaaliya ay ugu adeegto baahiyaha sii kordhaya ee socdaalka iyo ganacsiga.
