Thursday, November 5, 2026

Isbahaysiga xisbiyada Carabta ee Israa’iil Oo Taageertay Mucaaridka si Netenyaahu Xilka Looga Tuuro

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Telaabiib: Xisbiyada Carabta ayaa taageerey Musharraxa Mucaaridka Eisenkot oo hadda haysta aqlabiyad 67 kursi ah, iyadoo Netenyaahu uu waayay isbaahaysi uu ku sii joogo xilka.

Xisbiyada Carabta ayaa doorashada ka helay 19 kursi oo ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamaanka Israa’iil iyadoo todobaadka danbe mucaaridka lagu wadaa in ay dhistaan xukuumad cusub — AlCarabiyaTV.

Xaaladan waxay ka dhigan tahay in xisbiyada Carabta, oo Netanyahu uu hore uga digay inay burburin karaan Israa’iil haddii ay dawladda awood ku yeeshaan, ay hadda door muhiim ah ku leeyihiin dadaalka lagu dhisayo dawlad, meesha ka saarta maamulka Netanyahu.

Tani waxa ay imanaysaa xilli Trump & ku-xigeenkiisa JD ay sheegeen in ay codad badan ku waayeen taageerada Israa||.