Saturday, April 4, 2026

Jabuuti iyo Pakistan Oo ka Wada-hadlay Sugida Ammniga Badda-cas iyo Marinka Baabul mandab.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jabuuti ayaa qaabilay Safiirada Pakistan u fadhida Jabuuti, waxayna labada dhinac kawada hadleen arrimo muhiim ah oo ay ka mid tahay ammaanka badda gaar ahaan badda-cas iyo marinka baabul mandab. Sidoo kale waxay sheegeen iney rabaan iney xoojiyaan xidhiidhka iyo Iskaashiga ka dhexeeya Jabuuti iyo Pakistan.

Jabuuti ayaa dhawaan sheegtay iney heegan galisey Ciidamadeeda badda si ay u sugaaan ammaanka marinka baabul mandab, kaasoo muhiim u ah gacansiga caalamiga ah.