Dowladda Poland ayaa maanta oo Axad ah ku dhawaaqday laba maalmood oo baroordiiq qaran ah, kaddib weerar hubeysan oo maalintii Sabtida ka dhacay magaalada Krakow ee koonfurta dalkaas, kaas oo lagu dilay lix qof, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.
Weerarkan oo argagax iyo walaac ku abuuray shacabka Poland ayaa ka dhacay barxadda taariikhiga ah ee Suuqa Weyn (Main Market Square), oo ka mid ah goobaha ugu caansan ee dalxiiska magaalada Krakow, xilli ay halkaas ku sugnaayeen dadweyne iyo dalxiisayaal kala duwan.
Wararka laga helayo booliska Poland ayaa sheegaya in weerarka uu fuliyay nin 24 jir ah oo u dhashay dalkaas, kaas oo la sheegay inuu aad u xiiseynayay fikradaha siyaasadeed ee garabka midigta fog (Far-right ideology).
Ninka weerarka geystay ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay dadkii ku sugnaa fagaaraha, taas oo sababtay dhimashada lix qof iyo dhaawaca dad kale. Laba askari oo boolis ah iyo ninkii weerarka geystay ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadka dhaawacmay.
Ciidamada booliska ayaa markii dambe la dagaallamay ninka hubeysan, iyagoo ugu dambeyn toogtay oo gacanta ku dhigay, waxaana xaaladdiisa caafimaad lagu sheegay mid halis ah.
Arrin kale oo argagax leh ayaa soo baxday kaddib markii baarayaasha booliska ay meydadka saddex qof ka heleen guriga uu degganaa eedeysanaha, kaas oo ku yaalla magaalada Ostrowiec Świętokrzyski, oo qiyaastii 150 ilaa 200 KM waqooyi-bari kaga beegan Krakow.
Booliska ayaa xaqiijiyay in dadka meydkooda la helay ay ahaayeen waalidka ninka weerarka geystay iyo walaashiis oo 21 jir ahayd.
Saddexda qof ayaa laga helay dhaawacyo horudhac ahaan loo maleynayo inay ka dhasheen rasaas, waxaana baarayaasha ay sheegeen in baaritaan dheeraad ah lagu sameynayo sida ay u dhinteen iyo cidda ka dambeysay dilkooda.
Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale guriga ka helay toddobo qori oo kala duwan, kuwaas oo qeyb ka noqonaya baaritaanka socda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Poland, Marcin Kierwiński, ayaa sheegay in xogta horudhaca ah ee baaritaanka ay muujineyso in ninka weerarka geystay uu aad ugu bogay fikradaha xagjirka ah ee garabka midigta fog iyo aragtiyaha waddaniyadda xad-dhaafka ah.
Mas’uuliyiinta Poland ayaa sheegay in la baarayo sababta dhabta ah ee ku kalliftay ninkan inuu weerarka fuliyo, iyo xiriirka suuragalka ah ee ka dhexeeya dilka lixda qof ee Krakow iyo meydadka laga helay gurigiisa.
Ra’iisul Wasaaraha Poland, Donald Tusk, ayaa weerarka ku tilmaamay fal argagixiso, isaga oo muujiyay sida ay dowladda uga go’an tahay in la baaro dhacdada, lana ogaado dhammaan duruufaha ku xeeran.
Dhanka kale, wararka laga helayo baaritaanka ayaa sheegaya in ninka weerarka geystay uusan horey u lahayn diiwaan dembiyeed, isla markaana uu xiriir la lahaa goobaha lagu barto toogashada hubka.
Kadib weerarka, booliska ayaa xiray qeybo ka mid ah barxadda taariikhiga ah ee Main Market Square iyo waddooyinka ku dhow, si ay baaritaan uga sameeyaan goobta, una ururiyaan caddeymaha la xiriira weerarka.
Goobta ayaa waxaa la geeyay ciidamo dheeraad ah oo amniga xaqiijinaya, halka dadweynaha iyo dalxiisayaasha laga fogeeyay meelaha ay ka socdeen baaritaannada.
Magaalada Warsaw, oo ah caasimadda dalka Poland, ayaa sidoo kale laga adkeeyay ammaanka, iyadoo ciidamada booliska ay kordhiyeen heeganka goobaha muhiimka ah iyo meelaha ay dadweynuhu ku badan yihiin.
Waxaa sidoo kale fagaaraha uu weerarku ka dhacay la dhigay ubaxyo iyo shumacyo ay shacabka ku xusuusanayaan dadkii ku dhintay weerarka.
Poland oo wajahaysa walaac ku saabsan xagjirnimada
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli dalka Poland uu ka jiray walaac sii kordhaya oo la xiriira falalka rabshadaha wata ee ay geystaan shaqsiyaadka saameynta ku yeesha fikradaha xagjirka ah ee internet-ka.
Dalka Poland oo guud ahaan lagu yaqaan heer amni oo wanaagsan marka loo eego qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa waxaa argagax ku abuuray weerarkan oo ka dhacay goob dadweyne oo aad loo booqdo.
Dowladda ayaa billowday baroordiiq qaran oo soconaysa labada maalmood ee Axadda iyo Isniinta, iyadoo calamada dalka la dejiyay bartamaha tiirarka, munaasabadaha madadaalada qaarkoodna la hakiyay.
Dhacdadan ayaa noqotay mid ka mid ah weerarradii hubeysnaa ee ugu khasaaraha badnaa ee sannadihii ugu dambeeyay ka dhaca Poland, iyadoo baaritaannada booliska iyo hay’adaha amniga ay weli socdaan si loo ogaado sababta weerarka iyo xiriirka ka dhexeeya dhacdooyinka kala duwan ee ninka loo haysto.
Dowladda Poland ayaa sheegtay inay sii wadi doonto baaritaanka, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo xaqiijinta amniga shacabka iyo in caddaaladda la horgeeyo cid kasta oo lagu helo mas’uuliyadda weerarka.
