Sunday, November 8, 2026

Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degmada Dayniile

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Iska horimaad culus ayaa galabta ilaa caawa fiidnimadii ka dhacay xaafada Warlaliska oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir kaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo Maleeshiyada degaanka ee beesha Murusade.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamada dowlada ay weerareen xaafada Warlaliska iyagoo isku dayaya iney halkaas ka barakiciyaan boqolaal qoys si loo dumiyo guryaha ay degan yihiin.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah ololaha dhulboobka ah ee mudooyinkan madax ka tirsan DF ay ka wadeen magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Dagaalka galabta oo ahaa mid aad u culus ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah inkastoo aan tirakoob sax ah laga helin, waxaana hakad galay isku socodkii dadka, gaadiidka iyo ganacsiga ee aagaas.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Maleeshiyada degaanka ay gaadiid dagaal ka qabsadeen ciidamada DFS, waxaana sidoo kale la arkayey askar ka tirsan ciidamada DF oo maleeshiyada degaanku ay gacanta ku dhigeen iyagoo dhaawac ah.

Dagaalka galabta ayaa daba socday fal saaka ciidamada DFS ay ku rasaaseeyeen dadka degaanka ee diidan dhulboobka oo dhigayey banaanbax ay kaga soo horjeedaan talaabooyinka dowlada, waxaana rasaasta ay fureen ciidamada ku dhintay 3 qof halka 16 kalena la dhigay goobaha Caafimaadka.

Xaalada Xaafada Warlaliska ee degmada dayniile ayaa weli kacsan iyadoo laga cabsi iney halkaas ka dhacaan dagaalo kale oo uu dhiig ku daato, waxaana la sheegayaa in caawa DFS ay halkaas u dirtay ciidamo xoog leh oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyadoo Xildhibaano ka tirsan DFS oo ka soo jeeda degmada Dayniile ay cambaareeyeen wax ay ku tilmaameen awooda xad dhaafka ah ee dowladu u adeegsaneyso shacabka iyo falalka dhulboobka ah.