Tuesday, September 22, 2026

Dowladaha Somaliya iyo Costa Rica oo ka Wadahadlay xiriirka iyo Iskaashiga ka Dhaxeeya

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali, ayaa magaalada New York ee dalka mareekanka kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Costa Rica, Mudane Manuel Tovar Rivera, iyaga oo kulanka yeeshay intii uu socday Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA81).

Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo danaha wadajirka ee ka dhaxeeya taas oo ah iskaashiga dhinacyada horumarinta ee labada dal.

Kulankaan ayaa ka tarjumaya dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ballaarinta iskaashiga iyo xiriirrada ay la leedahay dalalka Latin America, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee ku saleysan danaha wadajirka ah.