Friday, November 13, 2026

Mareykanka Oo Xayiray Fiisaha Haween Tartanka Quruxda Aduunka Uga Qaybgalayay Dalalka Africa Qaarkood..

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Mareykanka ayaa xayiraad saaray fiisayaal ay dalbadeen qaar ka mid ah haweenka wadamada Afrika ku matali lahaa tartanka quruxda aduunka oo lagu qabanayo Puerto Rico.

Puerto Rico ayaa ah jasiirad iiskeed isu maamusha, laakiin Mareykanka hoostagta tan iyo 1898, markii uu dhammaaday dagaalkii Spain iyo Mareykanka u dhaxeeyay.

Haweenkan aan weli helin fiisayaasha ayaa ka soo jeeda wadamada Zimbabwe, Zambia iyo Koonfurt Sudan .