Taliye ka tirsan ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan Mohammad Jafar Asadi, ayaa sheegay in si dhaw ay ciidamadu ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada cadawga, islamarkaana ay si buuxda u maamulayaan marain-biyoodka Hormuz
Taliyaha ayaa sheegay inuu dalkiisu uusan ahayn Venezuela si kheyraadkiisa loo bililiqeysto , isagoo ka digay in weerar kasta oo cusub uu la kulmi doono jawaab sii adag ,isagoo la hadlayay warbaahinta maalinta Axadda, ayuu yiri:
“Waxaan u sheegaynaa Maraykanka in Iran aysan ahayn Venezuela si aad u dhacdaan kheyraadkeeda. Haddii aad qaaddaan weerar cusub, waxaad heli doontaan dharbaaxo sii xooggan, dowladda iyo shacabkuba si wadajir ah ayay idiin hor istaagi doonaan.”
