Wednesday, November 18, 2026

Xarunta Cilmi-baarista Mareykanka Oo Saadaalisay in Diinta Islaamku Noqon-doonto tan ugu Dadka Badan caalamka.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Warbixin cusub oo ay soo saartay xarunta cilmi-baarista Mareykanka ee Pew Research Center ayaa saadaalisay in diinta Islaamku noqon doonto tan ugu dadka badan caalamka sanadka 2035, iyadoo Muslimiintu gaari doonaan 2 bilyan iyo 570 milyan oo qof halka Masiixiyiintu noqon doonaan 2 bilyan iyo 520 milyan.

Daraasaddan oo eegtay isbeddelka ilaa sanadka 2070 ayaa sidoo kale xustay in tirada Muslimiintu markaas ka badan doonto 3 bilyan iyo 600 milyan oo qof.

Khubarada Pew ayaa kororkan ku sababeeyay heerka dhalmada oo ku sarreeya Muslimiinta iyo bulshada oo dhallinyaro u badan.