Warbixin cusub oo ay soo saartay xarunta cilmi-baarista Mareykanka ee Pew Research Center ayaa saadaalisay in diinta Islaamku noqon doonto tan ugu dadka badan caalamka sanadka 2035, iyadoo Muslimiintu gaari doonaan 2 bilyan iyo 570 milyan oo qof halka Masiixiyiintu noqon doonaan 2 bilyan iyo 520 milyan.
Daraasaddan oo eegtay isbeddelka ilaa sanadka 2070 ayaa sidoo kale xustay in tirada Muslimiintu markaas ka badan doonto 3 bilyan iyo 600 milyan oo qof.
Khubarada Pew ayaa kororkan ku sababeeyay heerka dhalmada oo ku sarreeya Muslimiinta iyo bulshada oo dhallinyaro u badan.
