Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland, Mudane Cali Diiriye Axmed, ayaa intii uu ku guda jiray booqasho shaqo oo uu ku tegay dalka Israa’iil, kulamo la yeeshay Maareeyaha Hay’adda Maamulka Dekedaha iyo Maraakiibta Israa’iil, madaxda shirkado waaweyn oo ka shaqeeya saadka iyo gaadiidka badda, iyo maalgashadayaal. Wadahadalladu waxay diiradda saareen fursadaha iskaashi ee horumarinta dekedaha, gaadiidka badda, adeegyada saadka iyo maalgashiga.
Maareeyuhu waxa uu la kulmay Kabtan Zadok Radecker, Maareeyaha Maamulka Maraakiibta iyo Dekedaha Israa’iil, maamulka sare ee Dekedda Ashdod, iyo Yaron Leibovitz, Agaasimaha Guud ee shirkadda Clipper Shipping and Logistics. Waxa kale oo uu kulamo la yeeshay ganacsato iyo maalgashadayaal reer Israa’iil ah, oo uu ka mid yahay Shlomi Fogel, oo ah maalgeliyaha weyn isla markaana leh shirkadda Israel Shipyards.
Intii ay booqashadu socotay, Maareeyuhu waxa uu booqday Dekedda Ashdod, xarunta dhexe ee Maamulka Maraakiibta iyo Dekedaha Israa’iil, iyo xarunta shirkadda Israel Shipyards.
Hay’adda Dekedaha Somaliland iyo dhiggeeda Israa’iil ayaa is-weydaarsaday qabyo-qoraallo heshiisyo is-afgarad (MoU). Sidoo kale, waxa ay is-weydaarsadeen heshiisyo is-faham oo la xidhiidha iskaashiga shirkadaha Israel Shipyards iyo Dekedda Ashdod.
Booqashadani waxay qayb ka tahay dadaallada Hay’adda Dekedaha Somaliland ay ku ballaadhinayso iskaashigeeda caalamiga ah, kuna sahaminayso fursadaha maalgashi iyo iskaashi farsamo, si kor loogu qaado loona horumariyo adeegyada dekedaha Somaliland.




