Saturday, November 21, 2026

Ruushka Oo Gantaalo ku Gaaracay Poland Iyo NATO Oo ka Hadashay..

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Poland ayaa sheegtay in laba gantaal iyo diyaarad aan duuliye lahayn (Drone) oo la rumeysan yahay in Ruushku leeyahay ay ku dhaceen koonfur-bari dalkaasi, intii uu socday weerarkii ballaarnaa ee Ruushku habeenkii Jimcaha ku qaaday Ukraine.

Duqeynta Ruushka ee Poland 🇵🇱 ayaa dhacday xilli 11 dal oo Yurub ah ay Poland ka wadeen dhoollatus militari. Ilaa hadda lama soo sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah.

Ra’iisul Wasaaraha Poland, Donald Tusk, ayaa sheegay in dhacdadu u muuqato daandaansi ula kac ah oo Ruushku sameeyay. Khubarada amniga ayaa iyaguna aaminsan in Moscow ay tijaabinayso jawaabta NATO iyo heerka ay gaarsiisan tahay dulqaadka isbahaysiga.

Maxay NATO ka tiri dhacdada?

Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, ayaa dhacdada ku tilmaamay xadgudub halis ah oo ka dhan ah hawada Poland, isaga oo Khatarta Hoos u dhigay Lana xiriiriyey dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Poland ayaa dalbanaysa in la xoojiyo taageerada difaaca hawada ee ay ka hesho NATO, gaar ahaan dhinaca ilaalinta xuduudaheeda bari.

NATO ma dhaqan gelin kartaa doqobka-5 aad ?

Qodobka 5-aad ee heshiiska NATO wuxuu dhigaya in weerar hubeysan oo lagu qaado hal dal oo xubnaha ka ah loo aqoonsado weerar lagu qaaday dhammaan dalalka isbahaysiga.

Hase yeeshee, qodobkani si toos ah uma dhaqan galo marka gantaal Ruush ku dhaco dal xubin ka ah NATO. Dhaqangelinta doqobka waxay ku xiran tahay go’aan siyaasadeed iyo wadatashi dhex mara dalalka xubnaha ka ah.

Khubarada ayaa qaba in dhacdadan keliya aysan u badnayn inay sababto dhaqangelinta qodobka 5-aad. Poland waxay sidoo kale adeegsan kartaa qodobka 4-aad, kaas oo dhigaya in dalalka xubnaha ahi yeeshaan wadatashi degdeg ah marka amniga midkood halis galo.

Dagaal toos ah oo Ruushka iyo NATO dhex mara ma dhici karaa?

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in iska horimaad militari oo toos ah oo dhex mara Ruushka iyo NATO uusan hadda u muuqan mid dhow, waxay ka digayaan in Ruushku sii wadi karo tijaabinta difaaca NATO, isaga oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, xadgudubyada hawada, weerarrada internetka iyo faafinta wararka been abuurka ah.

Khubaradu waxay sidoo kale tilmaamayaan in dhacdadani ku soo beegantay xilli Mareykanka uu dadaal ugu jiro wada-hadallo lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.

FG: Dhacdada Poland waxay muujinaysaa sida dagaalka Ukraine uu khatar ugu yahay amniga dalalka Yurub. Inkasta oo aan hadda la filayn in NATO ay dagaal toos ah la gasho Ruushka, haddana xoojinta difaaca iyo feejignaanta militari ayaa la filayaa inay kordhaan.