Heemaal News Network

Sarkaal ka tirsan CIA Oo Qirtay inuu u Basaasayey Dalka Shiinaha..

Waaxda caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Sarkaal la shaqaynayey waaxda sirdoonka ee ciidamada Maraykanku inuu shalay qirtay eedo lagu soo oogay oo ahaa inuu sirta ciidamada Maraykanka ka iibiyey dalka Shiinaha.

Korbein Schultz ayaa bishii March lagu soo oogay dacwad ah inuu maleegayay inuu gudbiyo macluumaad la xidhiidha difaaca qaranka ee Maraykanka, iyo inuu debedda u diro agab iyo macluumaad la xidhiidha arrimaha difaaca isaga oo aan haysan ruqsadda uu ku dhoofin karayey, sidoo kale waxaa loo haystaa inuu laaluushay qaar ka mida saraakiisha dawladda.

Sarkaalkan, Schultz, oo haystay heerka sare ee ogaanshaha sirta qaranka (top secret clearance), ayaa xiriir soke la sameeyey qof ku nool Hong Kong, kaas oo loo malaynayo inuu xiriir dhow la leeyahay xukuumadda Shiinaha. Sarkaalkan ayaa ninkaas kala shaqaynayey in la ururiyo macluumaad ku saabsan sirta ciidamada difaaca ee Maraykanka oo ay ku jiraan, macluumaad la xidhiidha xogta qarsoon, iyo agabka xasaasiga ah ee arrimaha difaaca la xidhiidha, iyada oo lagaga bedelanayo, lacag la siinayey sarkaalkan, sida ku cad waraaqda qiraalka ee uu sameeyey.

Sarkaalkan ayaa la siiyey illaa $42,000 si uu xogahan u ururiyo, sida ay sheegtay waaxda caddaaladdu. Waxaa la filayaa in xukunkiisa lagu dhawaaqo bisha January ee soo socota.