Trump ayaa diiday qorshaha soo jeedinta Iran ee ku saabsanaa in Marin-biyoodka Hormuz dib loo furo toddobaad gudihiis, isla markaana wada-hadallada nukliyeerka dib loo bilaabo.
Iran ayaa fariinta qorshaha Mareykanka ugu dirtay Qatar oo dhexdhexaadinaysay. balse Trump ayaa sheegay in Tehran ay heshiis raadineyso sababo dhaqaale awgood, isagoo yiri Iran “way dhimaneysaa” sababtoo ah “lacag soo galeysa ma jirto.”
Iran, dhankeeda, waxay soo jeedisay in Mareykanku qaado xannibaadda dekedaha Iran, fududeeyo cunaqabateynta dhoofinta shidaalka iyo uu oggolaado xabbad-joojin gobolka ah; beddelkeedana Tehran ay Hormuz dib u furto maalinta lixaad, wada-hadallada nukliyeerkana la bilaabo maalinta toddobaad.
Diidmada Trump ayaa sii kordhinaysa hubanti la’aanta ku saabsan dagaalka iyo wada-hadallada Washington iyo Tehran, iyadoo Hormuz iyo cadaadiska dhaqaale ay weli yihiin labada qodob ee ugu muhiimsan ee gorgortanka Washington iyo Tehran.
Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Iran, Xassan Rouhani, ayaa hadallo uu jeediyay ku sheegay in “guusha laga gaarayo dagaalka ay tahay inay dhaafto iska-caabinta weerarka, balse ay horseeddo amni waara, yaraynta suurtagalnimada in mar kale la soo weeraro dalka, iyo dib-u-soo-celinta dalka ee waddada horumarka.”
Sidoo kale Taliska ugu sarreeya ciidamada Iran, oo ah Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya, ayaa ka digay in haddii Washington ay sameyso “wax khalad ah” oo ka dhan ah Iran, la beegsan doono dhammaan xarumaha milatariga Mareykanka, goobaha ciidamada la geeyay, iyo danaha uu Mareykanku ku leeyahay gobolka.
Wakaaladda Mehr ayaa sheegtay in gobolku uu hadda marayo “xaalad amni oo aad u xasaasi ah,” taas oo dhaqdhaqaaqyada ciidamada Mareykanka ay ku kicinayaan walaac ku saabsan sii xoogeysiga xiisadda, iyadoo isla markaana ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed iyo kuwo dhexdhexaadin ah.
Mowqifka Tehran ayaa ah in “Iran aysan bilaabi doonin dagaal, balse haddii cadowgu uu dagaal ku soo qaado, Iran ay si buuxda ugu diyaar garowday inay difaacdo amnigeeda iyo madax-bannaanida dhulkeeda.”

