Saturday, September 26, 2026

Maraykanka Iyo Ruushka Oo ka Horyimid Garaad-gacmeedka (AI) loo Diyaarinayo inay Dagaallo Gali karaan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Inta uu socday shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaa toddobaadkii hore qabsoomay kulan gaar ah oo albaabada u xirnaa oo ay ka qaybgaleen quwadaha loo arka inuu ka dhaxeeya tartanka awoodda garaad-gacmeedka (AI) loo diyaarinayo inay dagaallo gali karaan oo ay fulin karaan howlgallo ay ku dili karaan bani’aadamka, iyagoo maamullaya nidaamyada hubka dagaalka.

Kulankan ayaa lagu raadinayay habab lagu xaddido awoodda AI-ga dagaallada gali kara oo lagu ilaalinayo inay noqdaan kuwa uu bani’aadam hagi karo, halkii ay noqon lahaayeen kuwo xor u ah inay fuliyaan dilal iyo weerarro ay iyagu go’aamiyaan.

Iskudaygan waxaa waday Qaramada Midoobay, balse in la xaddido nidaamyada garaad-gacmeedka (AI) ee maamulaya hubka ay ku jiraan; gantaallada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , nukliyeerka iyo robot-yada.

Qorshahan ayaa waxaa si cad uga horyimid Mareykanka iyo Ruushka, kuwaasoo diiday in la soo saaro sharciyo lagu xakameynayo nidaamyada dagaalka ee ay hagaan garaad-gacmeedka (AI). Diidmada Mareykanka iyo Ruushka ayaana dhalisay Qaramada Midoobay inay ku guul-darraysato shuruuc lagu xaddidayo AI-ga hubka in la soo saaro.

Si fudud waxa ay u socdaan Mareykanka iyo Ruushka, waa in marka xarumaha militari ee laga hago dagaallada iyo hubka ay wajahaan burbur ama shaqo joojin, ay jiri karaan garaad-gacmeedka (AI) oo maamuli kara hubka , fulin karana howlgallo iyo weerarro , iyagoo tixraacaya xogta lagu kaydiyay, sida bartilmaameedyada horey loo baray inay yihiin goobo cadow.