Saturday, September 26, 2026

Mareykanka Oo Isku diyaarinaya Tallaabo Millateri Oo Dhan ah Dalka Cuba

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Mareykanka ayaa isu diyaarinaya tallaabo millateri oo suuragal ah oo ka dhan ah dalka Cuba, iyada oo maamulka Trump uu ku eedeeyay Cuba in ay xoojinayso xidhiidhka ay la leedahay Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan.

Sida uu tebiyey Telefishinka CBS; Militariga Mareykanka ayaa diyaariyey fursado kala duwan oo tallaabo looga qaadi karo Cuba, oo ay ku jiraan weerar cirka ah.

Trump ayaa muddo door ah ku goodinaya in uu soo afjaro dowladda hanti-wadaagga (shuuciga) ah ee jasiiraddaas maamulaysay muddo ka badan 60 sanno.