Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Shirkadda SONATRACH ee dalka Aljeeriya, taasi oo ka shaqeysa arrimaha soo saarista shidaalka iyo gaaska.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda SONATRACH ee mashaariicda wadajirka ah ee dhinacyada shidaalka iyo khayraadka dabiiciga ah.
Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey wafdiga, isaga oo adkeeyey sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka, si ay kaalin muuqata uga qaataan koboca dhaqaalaha iyo horumar dalka.
DHAMMAAD







