Tuesday, November 24, 2026

Halkay ku Denbaysay Danbiyadii Dagaal Ee Lagu Eedeeyay Itoobiya

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku baaqday in baadhitaan madax-banaan lagu sameeyo duqeymo ay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyo taageerta xukuumaddu ka fuliyeen magaalada Alamata ee gobolka Tigray, kuwaas oo ay hay’addu sheegtay inay noqon karaan dembiyo dagaal.

Warbixin ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in duqeymahaasi, oo dhacay 26-kii ilaa 28-kii September 2026, ay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof oo rayid ah, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Amnesty International ayaa sidoo kale Jabhadda TPLF ku eedaysay inay saldhigyo ciidan ka samaysatay xaafado ay dadku degan yihiin iyo dugsiyo, taas oo khatar gelisay nolosha shacabka. Hase ahaatee, TPLF ayaa beenisay eedaymaha loo jeediyey.

Hay’addu waxay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ugu baaqday inuu sameeyo guddi madax-banaan oo baadha dhacdooyinkan, isla-markaana lala xisaabtamo cid kasta oo lagu helo dembiyo dagaal.