Tuesday, November 24, 2026

Soomaaliya oo Dib Hawada Ugu Celinaysa Diyaarad Calankeeda wadata.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines dib loo howlgelin doono 10-ka December 2026, kaddib in ka badan 35 sano oo aysan shaqeyn, sida uu sheegay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Faarax Nuux.

Wasiirka oo 23-kii November kula hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in diyaar-garowga dib u howlgelinta shirkaddu uu socdo, isla markaana bisha December la qaban doono munaasabad rasmi ah oo lagu shaacinayo soo laabashadeeda.

Dib u howlgelinta Somali Airlines ayaa muddo dheer ka mid ahayd ballanqaadyada dowladihii kala dambeeyay, hase yeeshee dhowr jeer ayay fashilmeen qorshayaal ay dowladdu ku shaacisay in shirkadda dib loo soo celinayo, iyadoo waqtiyo kala duwan oo loo qabtay aysan suurtagelin in duulimaadyadu dib u bilowdaan.

Bishii July 2025 ayay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday heshiis lagu soo iibinayo laba diyaaradood oo nooca Airbus A320 ah, iyadoo xilligaas la sheegay in shirkaddu shaqo bilaabi doonto muddo laba bilood gudahood ah. Sidoo kale, Wasaaradda Gaadiidka ayaa markii dambe ballanqaadday in duulimaadyada dib loo bilaabi doono ka hor dhammaadka 2025, balse taasi ma dhicin.

Bishii August 2026, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Xasan, ayaa sheegay in diyaar-garowgu marayo heer gabagabo ah, isla markaana duulimaadkii ugu horreeyay la filayay inuu dhaco bisha September, balse waqtigaasna aanay shirkaddu dib u howlgelin.

Wararka hadda jira ayaa sheegaya in Somali Airlines ay heshiis kiro ah la gashay shirkadda Daallo Airlines, kaas oo la xiriira diyaarad nooca Dash 8-400 ah. Si kastaba, weli si rasmi ah looma shaacin faahfaahinta heshiiska iyo in diyaaraddaasi noqon doonto tii ugu horreysay ee shirkaddu ku bilowdo duulimaadyadeeda.

Dowladdu sidoo kale weli ma shaacin magaalooyinka ay duulimaadyada ugu horreeya ku tagi doonto shirkaddu, qiimaha tikidhada iyo xilliga ay dadweynuhu bilaabi karaan dalabka safarrada. Sidoo kale, ma cadda in 10-ka December ay tahay maalinta ay bilaabanayaan duulimaadyada ganacsiga ama ay tahay munaasabad rasmi ah oo keliya oo lagu daahfurayo shirkadda.

Somali Airlines waxaa la aas-aasay sannadkii 1964-kii, waxayna horay duulimaadyo gudaha iyo dibadda ah uga sameyn jirtay Soomaaliya, iyadoo Muqdisho ku xiriirin jirtay dalal ku yaalla Afrika, Bariga Dhexe iyo Yurub.

Shirkaddu waxay shaqada joojisay sannadkii 1991-kii, kaddib burburkii dowladdii dhexe iyo dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Qorshaha hadda lagu doonayo in dib loogu howlgeliyo ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo isku xirka Soomaaliya iyo suuqyada caalamiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, taariikhda ballanqaadyadii hore ee aan hirgelin ayaa su’aal gelinaysa in 10-ka December ay dhab ahaan noqon doonto maalinta ay Somali Airlines dib ugu soo laabato duulimaadyada ganacsiga. Ilaa hadda ma jiro jadwal duulimaad oo rasmi ah oo ay hay’adaha duulista Soomaaliya soo saareen.