Dowladaha Mareykanka iyo Qatar ayaa wada-hadallo ku yeeshay xaaladda Soomaaliya, iyaga oo qayb ka dhigay ajandaha kulankoodii siddeedaad ee istaraatiijiga ahaa, kaas oo 23-kii Nofeembar 2026 ka dhacay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, iyo Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan Al Thani, ayaa shir-guddoomiyay kulanka oo ay sidoo kale ka qaybgaleen saraakiil sare oo ka kala socday labada dowladood.
War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen labada dowladood ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka mid ahayd dalalka ay ka wada hadleen labada dhinac, xilli ay jiraan caqabado amni iyo siyaasadeed oo ka taagan gobolka iyo caalamka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday xaaladaha Gaza, Iiraan, Suuriya, Lubnaan, Afgaanistaan, gobolka Saaxil, Rwanda iyo dalal kale, iyaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga diblomaasiyadeed ee lagu wajahayo caqabadaha amni iyo kuwa siyaasadeed.
Hase yeeshee, bayaanka laguma faahfaahin mowqifka gaarka ah ee Mareykanka iyo Qatar ka qaateen xaaladda Soomaaliya, mana uusan sheegin tallaabooyin gaar ah oo ay labada dowladood qorsheynayaan inay ka qaadaan arrimaha dalka.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Washington iyo Dooxa ku xoojinayaan xiriirkooda istaraatiijiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca, la-dagaallanka argagixisada iyo iskaashiga gobolka.
