Tuesday, November 24, 2026

Iran Oo Qorshaynaysa Inay Dib u Billowdo Dhoofinta Shidaalka Xili ay jirto Go’doominta Maraykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Iran waxay ka fiirsaneysaa inay dib u billowdo dhoofinta shidaalka iyadoo ay jirto go’doominta ciidamada badda ee Mareykanka, sida ay werisay wakaaladda Sabereen News oo xiriir la leh Ciidamada Ilaalada Kacaanka (Revolutionary Guards).

Sidoo kale kooxda la socota dhaqdhaqaaqa maraakiibta shidaalka ee ‘TankerTrackers’ ayaa saacado ka hor sheegtay inay Iran “u muuqato mid u diyaar garoobaysa inay mar kale shidaal dhoofiso.”

​Qoraal horay loogu calaamadeeyay “mid aan rasmi ahayn,” ayay Sabereen ku sheegtay in tobannaan kamid ah maraakiibta shidaalka ee Iran ay u diyaar garoobayeen inay u shareecdaan dhanka Shiinaha.

Waxay sidoo kale sheegtay inay Tehran uga digtay dalalka gobolka inay dagaal geli doonto haddii Mareykanku uu weeraro maraakiibtaas inta ay ku jiraan socdaalka ay ugu safrayaan dalka Shiinaha.