Tuesday, November 24, 2026

Israa’iil Oo Lagu Eedeeyay Inay ku Dhex-milantay Dagaalka Suudaan.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Sarreeye Guud Cammaar Maxamed Zayn Rabiic, oo maalmo ka hor ka goostay ciidamada RSF ee Suudaan kuna biiray ciidanka dawladda, ayaa soo bandhigay xogo xasaasi oo la xiriira RSF.

Wuxuu sheegay in khubaro Israa’iiliyiin ahi ay ku sugan yihiin magaalada Nyala, halkaas oo ay tababar ku siiyaan ku dhowaad 50 xubnood oo ka tirsan ciidamada RSF.

Nyala waxay ku taallaa gobolka Koonfurta Daarfuur, oo ku yaalla galbeedka Suudaan, una dhow xadka dalka Jaad.

Horraantii sannadkan, xubno lala xiriiriyo ciidamada RSF ayaa baahiyey muuqaallo toos ah iyaga oo ku sugan magaalada Telaabiib ee Israa’iil.