7
Ciidanka Booliska Puntland ayaa xabsiga dhigay Qaasim Geel, oo la sheegay inuu ka tirsanaa saraakiisha ciidanka Danab ee dawlada fadaraalka oo ku sugnaa magaalada Garoowe.
Ilaa hadda, si rasmi ah looma shaacin sababta ka dambeysa xarigga Qaasim Geel, mana jiro war ka soo baxay hay’adaha amniga Puntland oo faahfaahin ka bixiyay xarigiisa iyo goobta uu kuxiran yahay..
