Saturday, November 21, 2026

Maxkamada Kenya Oo Ganaax iyo Masaafurin ku Xukuntay Nin Somali ah Oo Lagu Helay Dukumentiyo Been abuur ah Oo lagu

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maxkamad ku taalla garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) ayaa xukuntay muwaadin Soomaali ah oo lagu helay inuu si sharci-darro ah ku helay dukumentiyo aqoonsi oo Kenyan ah, iyadoo amartay in dib loogu celiyo dalkiisa Soomaaliya.

Ninkan oo lagu magacaabo Khaalid Xasan Axmed ayaa waxaa 14-kii Nofeembar 2026 garoonka diyaaradaha JKIA ku qabtay saraakiisha waaxda socdaalka iyo adeegyada muwaadiniinta Kenya, xilli uu ku safrayay baasaboor Kenyan ah. Baaritaanno lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday inuu sidoo kale watay baasaboor Soomaali ah iyo kaarka aqoonsiga qaranka Kenya ee loo yaqaan Maisha Card.

Dacwad-oogayaasha ayaa ninka ku soo oogay saddex eedeymood oo la xiriira inuu si sharci-darro ah Kenya ku joogay, inuu si ula kac ah u adeegsaday kaar aqoonsi ay ku jiraan xog been ah iyo inuu bixiyay warbixin aan sax ahayn si uu ku helo baasaboor Kenyan ah.

Khaalid Xasan Axmed ayaa qirtay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana maxkamaddu ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan 250,000 oo shilin Kenyan ah.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay amartay in dalka Kenya laga masaafuriyo, iyadoo farriintay in baasaboor-ka Kenya iyo kaarka aqoonsiga qaranka laga qaado, laguna baabi’iyo muddo 14 maalmood gudahood ah. Baasaboor-kiisa Soomaaliga ah ayaa loo dhiibay saraakiisha baaritaanka si loogu adeegsado habraaca dib loogu celinayo Soomaaliya.

Ninkan ayaa weli ku jira gacanta hay’adaha ammaanka, isagoo sugaya in la dhammaystiro habraaca masaafurintiisa.

Waaxda Dambi-baarista Kenya (DCI) ayaa sheegtay inay sii waddo dadaallada lagu ilaalinayo nidaamka aqoonsiga iyo socdaalka dalka, si looga hortago khiyaanooyinka la xiriira dukumentiyada rasmiga ah.