Ciidamada milatariga Itoobiya iyo kuwa Tigray oo taageero ka helaya ciidamada Eritrea ayaa ku dagaallamaya jiida Badme.
Dagaallada ayaa ka socda inta u dhaxaysa Sheraro ilaa Badme, gaar ahaan deegaannada Biyara, G-Tegaru, Gemhalo, Go Gemhalo, Waela Nehbi, Nafra iyo Bagoni.
Dhinacyada ayaa guulo kala sheeganaya. TPLF ayaa sheegtay inay guulo ka gaartay dagaalka, isla markaana ay dib ula wareegtay deegaannadaas.
Halka ciidamada milatariga Itoobiya ay sheegeen inay qabsadeen dhammaan deegaannadaas, ayna ku sii siqayaan deegaanno hor leh.
Sheegashooyinka labada dhinac si madax-bannaan looma xaqiijin karo.
