Imaaraadka Carabta ayaa ku biiraya dagaalka Yemen, isaga oo taageeraya gulufka Sucuudi-ga ee ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen — The Guardian.
Dawladaha Imaaraadka iyo Sucuudiga ayaa lagu soo warramayaa inay gaadheen heshiis cusub oo Imaaraadku dib ugu taageerayo dagaalka lagula jiro kooxda Xuutiyiinta Yemen.
Heshiiska la sheegay ayaa dhigaya in Imaaraadku dib u bilaabo maalgelinta ciidamada Yemen ee la dagaallamaya Xuutiyiinta, gaar ahaan guutooyinka Giants Brigades, halka Sucuudigu bixinayo taageerada cirka.
Iskaashigan ayaa imanaya xilli Xuutiyiintu guulo dhuleed ka gaadheen Yemen, isla markaana ay kordhiyeen weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay ku hayaan Sucuudiga.
Sidoo kale Talaabadan milatari ee Imaaraadka ayaa dib u soo celin karta in Kooxda Gooni u goosadka ah ee Koonfurta Yemen ee Imaaraadku taageero ay mar kale dib u bilaabi karaan Qorshaha Gooni u goosadka an

