2
Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa hadal xasaasi ah ku sheegay inuu jeclaan lahaa in lagu dilo dagaalkii 12-ka maalmood socday, si uu uga nasto dhaleeceynta iyo eedeymaha joogtada ah ee loo jeedinayo.
Pezeshkian ayaa sidoo kale qiray inuu qariyo hadallo badan oo uu doonayo inuu sheego, balse uusan sidaas u sameyn cabsi darteed, ee uu u ilaalinayo midnimada gudaha dalka.
Wuxuu ka digay in haddii midnimadaasi burburto, ay wax walba oo dalka u yaalla ay khalkhal geli doonaan.
