Thursday, November 26, 2026

Booliska Georgia Oo Caawa Weeraray Taageerayaal Lulayay Calanka Falastiin Ciyaartii Kooxaha Israel Iyo Turkey ka Socday.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Booliska Georgia ayaa caawa weeraray taageerayaasha kooxda Bekistas oo lulayay calanka Falastiin intii lagu guda jirey ciyaarta UEFA European League ee u dhexeysa kooxda Turkiga ka dhisan ee Bekistas iyo kooxda ka socota ISREAL ee Hapoel Beer Sheva.

Ciyaartan oo hada socota ayaa ka qabsoomtey majalada Batumi ee Dalka Georgia, hase ahaatee booliska Georgia waxay isku dayey iney hor istaagaan taageerayaasha kooxda Bekistas iney garoonka kusoo bandhigaan calamada Falastiin iyo boodh ay kusoo qoreen erayo ay uga soo horjeedaan guumeysiga isla markaana ay ku dalbanayaan in xoriyad loo helo shacabka F-lastiin.

kooxaha kubada Cagta ee ka dhisan Dalka Turkiga iyo taageerayaashooda oo arrintan ka falceliyay ayaa si weyn u garab istaagay kooxda Bekistas, kuwaaso hal ku dhig ka dhigtey erayo ay ku leeyihiin. “Hadii aadan awoodin inaad joojiso dulmiga, ugu yaraan dadka oo dhan gaadhsii, si ay uga warqabaan dulmigaas.”

Dhanka kale Dowlada Turkiga oo falkan ka cadhootey ayaa si adag u cambaareeysay faragelinta ay booliska Georgia kula kaceen taageerayaasha kooxda Bekistas.