Warbaahinta fadhigeedu yahay Turkiga ee Middle East Eye (MEE) ayaa sheegtay in go’aanka Uganda ay ku hakisay xiriirka milatari iyo difaaca ee Turkiga uu qayb ahaan la xiriiro mustaqbalka ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya.
Sida ay ilo MEE la hadlay sheegeen, Kampala waxay ka walaacsan tahay in haddii ciidamada Soomaaliya ay si weyn u xoojiyaan awooddooda, doorka ciidamo shisheeye ee dalka uu yaraado, taasina ay Uganda ka lumin karto malaayiin dollar oo ay ka hesho ciidamadeeda Soomaaliya.
MEE waxay sidoo kale xustay in Turkiga uu tababar iyo qalab siinayo ciidamada Soomaaliya, iyadoo Ankara ay tababartay kumannaan askari iyo kumaandoos Soomaali ah. Sida ay ilo MEE sheegeen, awoodda sii kordheysa ee ciidamada Soomaaliya waxay dalka u suuragelin kartaa inuu si weyn ula wareego mas’uuliyadda amnigiisa, taas oo mustaqbalka yareyn karta baahida loo qabo ciidamo shisheeye.
UPDF si rasmi ah uma aysan sheegin in Soomaaliya ama tababarka Turkiga uu yahay sababta go’aanka. Ciidanka Uganda waxay kaliya sheegeen in xiriirka milatari la hakiyay ilaa laga xalliyo “arrimaha taagan” ee labada dhinac.
Dalalka kale ee geeska Africa ayaa sidoo kale dhaliilay tababarka, qalabka iyo tayayta ciidanka Soomaaliya ee Ankara wado maadaama wadanka yeelan karo ciidamo xooggan, qalab iyo tababar la jaanqaadaya heerarka NATO.
