Dawlada Yemen Oo Hor-istaagtay Diyaaradii Siday Wafdigii Xuutiyiinta ee ka Qaybgalay Aaska Hoggaamiyihii Iiraan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Diyaarad ay leedahay shirkadda Mahan Air ee laga leeyahay dalka Iiraan oo Tehran ka soo qaaday wafdigii Xuutiyiinta ee ka qaybgalay aaska hoggaamiyihii sare ee Iiraan ayaa waxyar ka hor ka degtay garoonka diyaaradaha Al-Xudaydah ee galbeedka Yemen, iyadoo ka soo weecatay garoonka diyaaradaha Sanca oo xilliga ay ka degi lahayd gantaallo ku garaaceen dawladda la aqoonsanyahay ee Yemen oo Sacuudiga uu taageerro oo ka hortagayay diyaaradan inay ka degto deegaannada ay Xuutiyiinta maamulaan oo horey Sacuudiga iyo xulafadiisa ay u go’doomiyeen.

Mas’uuliyiinta Xuutiyiinta iyo Iiraan ayaa ku sheegay degitaanka diyaaradan inay tahay astaan guul ah oo ay ku tilmaameen inay jabinayso go’doominta uu Sacuudigu hoggaaminayo ee saaran dhulka ay maamulaan Xuutiyiinta.

Balse, weerarka maanta ka dhacay garoonka diyaaradaya Sanca ayaa dhaliyay Xuutiyiinta inay ku dhawaaqaan inay soo afjareen xabbad-joojintii ay kula jireen dawladda uu Sacuudigu taageerro ee Yemen , markaa oo ay ku hanjabeen inay qaadayaan jawaab militari oo looga jawaabayo weerarka ka dhacay garoonka Sanca.

Warsaxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirrada dawladda Sacuudigu taageerro ee Yemen lagu sheegay Xuutiyiinta inay ku dhawaaqeen dib u billaabashada dagaalka Yemen oo ay sheegeen mas’uuliyada cawaaqibka ka dhasha inay qaadayaan Xuutiyiinta.