Mareykanka ayaa ku guuleystay inuu soo badbaadiyo labadii xubnood ee saarnaa diyaarad dagaal oo nooca F-15E S ah oo lagu soo riday gudaha Iran, iyadoo xubintii labaad la helay kadib howlgal qaatay maalmo dhowr ah.
Trump ayaa bartiisa Truth Social ku sheegay in ciidamada Mareykanka ay fuliyeen mid ka mid ah howlgaladii raadinta iyo badbaadinta ugu halista badnaa taariikhda Mareykanka, isagoo intaas ku daray in sarkaalka la badbaadiyay uu hadda nabad iyo caafimaad qabo.
Xubintii koowaad ee diyaaradda saarneyd ayaa hore loo soo badbaadiyay, halka tan labaad laga helay meel ka dambeysa khadadka cadowga, kadib howlgal si heer sare ah loo isku dubbariday oo ay ku lug lahaayeen tobanaan diyaaradood iyo ciidamo gaar ah ayuu yiri Trump.
Trump, wuxuu heshiis la gaaray Iiraan oo ku beddelatay badbaadinta duuliyaha Mareykanka , inaan la beegsan bartilmaameedyo muhiim ah ee gudaha Iiraan, tan iyo xalayna waxay Iiraan warbaahinta ka saartay in laga hadlo arrinta duuliyaha oo Trump u arkayay haddii Iiraan nolol ku soo badhigto inay noqonayso burburka mustaqbalkiisa siyaasadeed, balse lama sheegin cidda dhex dhexaadisay, xilli horey ay Iiraan u diiday xabbad-joojin 48 saac ah oo Mareykanka uu ku doonayay in duuliyahan lagu soo badbaadiyo, sida ay werisey warbaahinta Ruushka oo ay ku jirto wakaaladda TASS.
Warbaahinta ku dhow Aqalka Cad ee Axios ayaa dhankeeda xaqiijisay inay Iiraan , waqti hore oggaatay halka uu duuliyaha ku dhuumanayo.