Heemaal News Network

Xil: Fa’isa ”Magafayaal Magaca Baddeshay ayaa Dhib ku haya Shacabka Muqdisho”

Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jeyte oo katirsan xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , ayaa si adag uga hadashay canshuurta xad-dhaafka ah iyo dhibaatooyinka kale ee lagu hayo dadka degan magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegtay xildhibaan Faa’isa Jeyte in shacabka degan magaalada Muqdisho kaliya la beegsado laguna haayo dhibaatooyin badan, waxa ayna sheegtay shacabka Muqdisho horey looga qaadi jiray canhuuro tiro badan haddana mid kale oo badan la dulsaaray.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale soo bandhigtay lacago kala duwan oo laga qaado baabuurta dekadda magaalada Muqdisho alaabaha kasoo qaada, waxa ayna tilmaantay in dhibaatada lagu hayo ganacsatada, baabuureyda iyo dadka kalaba ay xargaha goosteen.

“Shacabkan gobolka Banaadir dhibaatooyinka ay qabaan waxaa kamid ah baabuurka marka uu dekdda ka baxo oo badeecadaha gobollada uu qaado Ex-koontarool waxaa looga qaadaa 188 dollar, siinka dheer waxaa looga qaadaa 80 dollar oo la leeyahay wasaaradda gaadiidka ayaa iska leh busteejooyin loo bixiyay laamo faracyo ah oo mid kasta looga qaado 250 dollar, degmada waxaa looga qaadaa 10 dollar, lacagahaas oo dhan ma galaan wasaaradda maaliyadda” ayay tiri xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte.

Xildhibaabn Faa’isa Jeyte ayaa sidoo kale sheegtay in magaalada Muqdisho iyo maamulkeedaba gacanta ugu jirto masuuliyiin aan waxba dhaamin magafayaal, waxa ayna sheegtay in dhibka dadka Muqdisho ku haya yihiin magafayaal magaca beddeshay.

”Galhareeri iyo Wabxo dadka degan dhibka lagu hayo oo kale ayaa lagu hayaa dadka gobolka Banaadir, Galhareeri iyo Wabxo kuwa heesta ee dadka dhibaya waa Soomaali waana argagaxiso, kuwaa gobolka Banaadir dadkeeda dhibanaya waa iyagii oo kale oo magacii beddeshay oo magafayaal ah oo isbaarooyin u yaallaan ” ayey tiri xildhibaan Faa’isa Jeyte.

Xildhibaanno badan oo maanta ka hadlay kulanka Golaha Shacabka ayaana si weyn uga horyimid culeeska iyo dhibaatooyinka dowladda sida gaarka ah ugu heyso dadka degan gobolka Banaadir, waxa ayna xildhibaannada sheegeen in ay ka xun yihiin in reer Muqdisho kaliya magaca dowladda lagu ciqaabo.