Mahamed Salah Oo Ka Dayriyey In Masar Ku Guulaysato Koobka AFCON 2025

by Heemaal
1 minutes read

Mohamed Salah, xiddiga xulka Masar iyo Liverpool, ayaa sheegay in Masar aan loo arkin karin xulalka ugu cadcad ee ku guulaysanaya AFCON 2025, inkasta oo ay gaareen nus-dhamaadka,  kadib markii ay 3-2 kaga adkaadeen Ivory Coast. Salah wuxuu sheegay in xulalka kale ee soo gudbay ay leeyihiin ciyaartoy ka ciyaara Yurub, halka xulka Masar u badan yahay ciyaartoy gudaha ah.

Salah ayaa sheegay in ay ka faa’iideysteen fursadihii cayaareed ee ay heleen kulankii Ivory Coast, inkasta oo aysan ku dhamystirn kubbadaha laadadka xorta ah, ciyaartuna ay ahayd mid aad u adag. Wuxuu saadaaliyey in kulanka nus-dhamaadka ee Senegal uu noqon doono mid adag, maadaama ay ku badan yihiin kooxdan ciyaartoy ka ciyaara heerarka ugu sarreeya Yurub, laakiin Masar ay diyaar u tahay inay bixiso dadaal kasta sidii ay u jiidhi lahayd.

Kulankan Masar iyo Senegal ayaa la ciyaari doonaa Arbacada, January 14, 2026, garoonka Ibn Batouta Stadium ee Tangier.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.