Sirdoonka Mareykanka iyo Yurub ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin uu diyaariyay qorshe uu si dhammeystiran ugu qabsanayo Ukraine iyo qaybo ka mid ah Bariga Yurub oo hore uga tirsanaa Midowgii Soofiyeeti, gaar ahaan dalalka Balti-ga iyo Poland.
Qiimeyntan sirdoon, oo la sheegay inay si joogto ah u wada aqbaleen una xaqiijiyeen hay’adaha sirdoonka Yurub iyo Mareykanka sannadihii la soo dhaafay, wax isbeddel weyn ah kuma imaan tan iyo markii Ruushku duullaanka ku qaaday Ukraine 2022. Taasi waxay ka dhigan tahay in, inkasta oo ay jiraan wada-hadallo iyo hadallo rasmi ah oo ay jeedinayaan mas’uuliyiin Mareykan iyo Ruush ah oo sheegaya rabitaan lagu soo afjarayo dagaalka, aragtida istiraatiijiyadeed ee Moscow aysan is beddelin.
Sida ay werisay Reuters, warbixinnada sirdoonku waxay sidoo kale saadaalinayaan in Ruushku mustaqbalka u jihaysan karo dagaal toos ah oo uu la galo NATO. Tani waxay si gaar ah walaac uga abuurtay dalalka Bariga Yurub, kuwaas oo u arka dagaalka Ukraine inuusan ahayn mid ku ekaanaya dhulka Ukraine, balse uu yahay qayb ka mid ah qorshe ballaaran oo Ruushka uu ku doonayo bariga Yurub inuu ku gaaro.
