Monday, April 6, 2026

Somaliland oo ka Jawaabtay Hanjabaaddii kooxaha Xuutiyiinta Yemen uga Timid

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Somaliland oo ka jawaabaysa hanjabaaddii kooxaha Xu*tiyii*ta ee Yemen ayaa sheegtay in aanay jirin sabab looga walwalo khatar ay kala kulmi karto kooxdaas.

“Ma jirto sabab looga walwalo khatar ka iman karta kooxahaas, maxaa yeelay annagu qayb kama nihin dagaalkan. Waxaan aaminsanahay in Somaliland ay leedahay sumcad nabadeed,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Khadar Looge oo la hadlay wargeyska The Times.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu ka hadlay wararka ku saabsan suurtagalnimada joogitaanka ciidamada Maraykanka iyo Israa’iil ee Berbera, isagoo sheegay in aanu jirin heshiis rasmi ah oo ilaa hadda la gaadhay.

Wuxuuse hoosta ka xariiqay in Somaliland ay u furan tahay fursad kasta oo dan u ah qaranku.