Maraakiib qaada gaaska LNG ga oo ka ambabaxay Qatar ayaa si lama filaan ah dib ugu laabtay Qatar, kadib markii ay isku dayeen inay maraan marinka istaraatiijiga ah ee Strait of Hormuz.
Go’aankan ayaa yimid iyadoo ay soo wajahday cabsi ah in ay beegsan karto Iraan
Hadii ay ka gudbi lahaayen waxay noqon lahaayeen kuwii ugu horeeye ee ka gudba marinkaas tan iyo bilowgii dagaalka. Hakadkaasi wuxuu sare u qaaday cabsi ku saabsan suuqyada tamarta iyo xasiloonida gobolka.
Kuuriyada Waqooyi waxay si ula kac ah uga fogaanaysaa Iiraan, inta uu dagaalku socdo, si ay u ilaaliso fursad ay ku hagaajiso xiriirka ay la leedahay Mareykanka, sida ay sheegtay Kuuriyada Koonfureed.
Warbixintan oo ay baahisay Reuters, ayaa lagu sheegay inaysan jirin wax taageero militari ah oo ay Kuuriyada Waqooyi siisay Iiraan, mana jirto tacsi ay ka dirtay geerida Cali Khamenei.
Sidoo kale, ma jirto wax hambalyo ama falcelin ay ka sameysay magacaabista hoggaamiyaha cusub , Mojtaba Khamenei.
“Hadallada rasmiga ah ee Kuuriyada Waqooyi waa kuwo kooban oo deggan, waxayna ka fogaanayaan dhaleeceynta Donald Trump.” ayaa lagu yiri warbixintan oo intaa ku dartay in hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, uu yiri: “Ma jirto sabab aan si fiican ula dhaqmi karin Mareykanka.”
Sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ayaa arrintan ku tilmaamay: “diyaar-garow lagu doonayo in la helo meel waddo diblomaasiyadeed oo cusub.”
