Turkiga oo Aqoonsaday Kooxda Weerarka ka Fulisay Qunsuliyada Israel Ee Istanbul Iyo Israel Oo ka Hadashay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa magacowday saddex nin oo hubaysan oo ka qayb qaaday toogashada ka dhacday meel u dhow qunsulida Istanbul. Mid kamid ah kooxdaasi ayaa la toogtay, halka laba kale ay ciidamo dhaawaceen.

Bayaan lagu daabacay barta X oo laga soo turjumay af-Turki ayaa wasiirku ku sheegay in ninka hubaysan ee la dilay lagu magacaabo Yunus E.S, isaga oo aan bixin faahfaahin intaas ka dheeri ah, waxaana ay dowladdu la xiriirisay koox argagixiso ah.

Labada dhaawacan ayaa lagu kala magacaabaa Onur Ç and Enes Ç – oo la sheegay inay walaalo yihiin.

Labada askari ee ku dhaawacmay toogashada ayaan xaaladoodu halis ku jirin, sida bayaanku uu intaasi ku daray, mid kamid ah askartaasi ayaa ka dhaawacmay lugta halka kan kalana uu dhaawac fudud kasoo gaaray dhagta.

‘’Isgaarsiinta casriga ah ee horumarsan ayaa aqoonsatay saddexda weerarka soo qaaday, waxaana socda su’aal weydiinta argagixisada dhaawacantay,’’ ayaa lagu yiri.

Israa’iil Oo si Adag Uga Hadashay Weerarka Lagu Qaaday Safaaradeeda Turkiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa si xooggan u cambaaraysay ‘’Weerar argagixiso oo lagu soo qaaday qunsuliyada Istanbul’’.

‘’Waxaynu ka mahadnaqaynaa talaabada degdega ah ee ciidamada ammaanka Turkiga ay uga hortageen weerarka,’’ ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaarada oo lasoo dhigay barta X.

Waxaa ay intaa ku dartay: ‘’Howlgalada Israa’iil ee guud ahaan caalamka ayaa la kulmay handadaadyo aan xisaab lahayn iyo weeraro argagixiso. Weerar argagixiso nama hor-istaagayo.’’