Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hada ku guul dareystay inuu meel mariyo qaraar qabyo ah oo ku saabsanaa in xoog lagu furo marin biyoodka Hormus, kadib markii Shiinaha iyo Ruushku ay isticmaaleen awoodooda codka diidmada qayaxan (VETO).
Dawladaha Shiinaha iyo Ruushka ayaa codka diidmada qayaxan ku horjoogsaday qaraar Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ku doonayey in awood millatari lagu furo Marin-biyoodka Hormuuz ee u xidhan dalka Iran.
Qaraarka ay Golaha Ammaanku u coddeeyeen mar dhawayd, waxa ansixintiisa ogolaaday 11 dal, waxaana ka aamusay dalalka Pakistan iyo Colombia, balse waxa fashiliyey codka diidmada qayaxan ee Ruushka iyo Shiinaha.
Qaraarkani wuxuu ubaahnaa oo kaliya iney 9 xubnood taageeraan, wuxuuna helay 11 xubnood, taasoo si fiican ugu filneyd inuu qaraarkani meel maro.

