Erdogan Oo Galabta Booqday Xarunta Hubka Turkiga Ee Roketsan Oo soo Saartay Gantaalihii Ugu Horeeyay.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Madaxwaynaha dalka Turkiga Erdogan ayaa galabta booqasho ku tagay xarunta Sharkadda Qalabka difaaca iyo hubka Turkiga ee Roketsan ayaa soo bandhigtay wax soo saarkeeda dhinaca gantaalada oo ay markii ugu horaysay soo saartay.

Booqasho uu Erdoğan ku tagay waxaa uu ku sheegay in qalabkan lagu maalgeliyay $1B oo doolar, guud ahaan sharikadda waxsoosaarkeedana la geliyay $3B oo doolar.

Erdoğan ayaa baahiyay sawirka Gantaalka Tayfun 4, oo ah ballistic missile ah masaafo ahaanna gaaraya 1,500km, waxa uu amray madaxwayne Erdogan in soo saarida hubkan la dardargeliyo si qatarta gobolka ka jirta uu uga gaashaanto Turkiga.