Mareykanka: Xubo ka tirsan Aqalka Kongareeska Oo soo jeediyey in xilka laga Qaado Trump

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Mareykanka: In ka badan labaatan xubnood oo ka tirsan Aqalka Kongareeska ayaa soo jeediyey in xilka laga qaado Trump ama awoodda loo wareejiyo Madaxweyne Ku-xigeenka — TheTime.

Ro Khanna oo ka tirsan congress ka mareykanka ayaa ku baaqay in xilka laga qaado Donald Trump iyadoo la adeegsanayo wax ka beddelka 25-aad, isagoo ku eedeeyay inuu khatar ku yahay amniga caalamka isla markaana uu muujinayo ixtiraam la’aan ku wajahan dadka ku nool Iran, Gaza iyo Cuba.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ficilladiisa ay noqon karaan dambiyo dagaal, halka baaqyadan ay ka dhex kaceen xiisad siyaasadeed oo sii kordheysa gudaha Mareykanka.