Wednesday, April 8, 2026

Dowlada Iiraan oo Hada War-saxaafadeed soo saartey Qodobada Xabad-joojinta

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowlada Iiraan oo hada war-saxaafadeed soo saartey ayaa qodobada sheegtay.

– Iiraan waxay sheegtay in ay caddowga jilbaha dhulka u dhigeen, oo ay diideen iney isku dhiibaan cabsi galintii Trump iyo wakhtiyadii kama dambeysta ahaa ee kolba uu qabsanayay.

– Iiraan waxay sheegtay in ay gaadhay ujeedadii ay ka lahayd dagaalka lagu soo qaaday.

– Waxay sheegeen in cadowgu uu ku qasbanaaday inuu aqbalo dhamaan shuruudaheedii, oo ka kooban 10 qodob o dhameystiran.

– Iiraan waxay sheegtay iney dagaalkan ka faa’iidey iney ku hesho ahmiyad istaraatiijiyadeed iyo fursad dhaqaale, waxayna sheegeen iney Ciidamadoodu si buuxda u maamuli doonnan marin biyoodka Hormus.

– Iiraan waxay sheegtay in khasaarihii dagaalka kasoo gaadhay laga siin doono magdhow.

– Waxay sheegeen in laga qaadayo dhamaan cunaqabateynta saaran, sidoo kalena xayiraada laga qaadayo hantideedi dibada kaga xanibneyd.

– Iiraan waxay sheegtay in sedex cisho kadib ay wadahadaladu ka bilaabanayaan magalada Islamabad ee Caasimada Pakistan.

Ugu dambeyn, Iiraan waxay sheegtay iney qoriga keebka hayso, oo hadii inyar oo khalada cadowgu sameeyaan ay markaaba ka jawaabi doonnaan.